Monday, 21/05/2018
Ahmed's Home Page
         

A reliable Source for:  News  |  Sports  |  Culture  |  Opinions .  
Site menu
Our poll
Rate my site
Total of answers: 2
Statistics
A║M║A Facebook
Home » 2015 » December » 2 » Gabaygii Axaddii ee Hadraawi
20:53:56
Gabaygii Axaddii ee Hadraawi
 Gabaygii Hadraawi ee 'Axaddii' 
Halkan ka akhriso gabaygii  Axaddii oo dhamaystiran.

 Waa lay addimey
 Axaddii sidaan
 Kuu eegayee
 Araggeeda taan
 Ku il-doogsadaay
 Ma illawsan tahay
 Axdigaad martiyo
 Meeshaad I tidhi
 Waan imanayaa.
 
 Immisaad farriin
 Ergo soo dirtood
 Oontiyo biyaha
 Hurdo aawaday
 Uga soommanayd
 
 Eed layga keeniyo
 Midna amar Illaahay
 Kuma aad maqnaanine
 Adigayska baaqdee
 
 Haddaad I tidhaahdo iman maayo
 Ma aadeen halkaad ogsooneyd
 
 Anigaa isla hadloo
 Mar waxaan idhaahdaa
 Ku illaawi maysoo
 Way imanne sii joog
 Mar waxaan idhaahdaa
 Axdigaydin dhigateen
 Kola oofin maysee
 Samir Eebbe qaadoo
 Ka fogow agteedaan
 Uurkayga geliyaa.
 
 Arimada jacayl baa
 I hogaaminaysoo
 Misna kuma adkaystoo
 Kama hoydo aydoo
 Naftu olol ma deysee.
 Indhaaga habeenkii
 Ku ilaalinaayoo
 Dhammideed addunyada
 Afarteeda waaxood
 Hadba gees u eegee
 
 Aammusnow habeenkii
 Ug baadka iyo dooggaa
 Tiiraanyo ooyoo
 Idilkood xiddigahaa
 Afar qaaday socodkoo
 Ubax baan guroo
 Soo ururiyoo
 Amranow golii
 Ooddii madhnayd
 Ku ag daadiyoon
 Ku ilaa xidhoon
 Weheshada idhee
 
 Eedaanka diiggoo
 Oogsadey salaadiyo
 Waagoo iftiimaan
 Keligey inaan ahay
 Asaraar ka saaroon
 Addimada cuskadayoon
 Dib u soo arooree
 
 Qof ammaano lumiyoo
 Iibsadey xilkeedii
 Samo uguma aaye
 Aan kala war haynaan
 Ku afgooyey heestee
 Maxay adiga kula tahay.


 
Views: 245 | Added by: A│M│A | Rating: 0.0/0
Total comments: 0
avatar
A║M║A Instagram
A║M║A Twits
Thanks for visiting Ahmed's Home Page | Please come back again.